Kooxda Barcelona ayaa la ciyaari doonta kooxda Huesca kulan ka tirsansan horyaalka La Liga kulan ay isha ku haysa in ay haatanba ku guulaysato horyaalka La Liga.
Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyada oo 11 dhibcood ka horaysa kooxda kaalinta 2-aad ee Atletico Madrid iyada oo ku guulaysan karta horyaalka hadii ay guul ka gaadho Huesca.
Dhanka kale Barcelona ayaa guul kala timid tartanka champions League kadib markii ay guul dirqi ah ka gaadhay Man United xilli la filayo in ay is badal ku samayso shaxdeeda kulanka.
Kulanka: Huesca Vs Barcelona
Tartanka: La Liga
Wakhtiga: 5:15 Galabnimo
Garoonka: Estadio El Alcoraz (Huesca).
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Kooxda Barcelona ayaa 8/2 uga badisay kooxda Huesca bilowgii xilli ciyaareedkan kulan ka dhacay Camp Nou kana tirsanaa horyaalka La Liga.
Huesca iyo Barcelona ayaa ku kulmay tartanka Copa del Rey xilli ciyaareedkan 2014/2015 kooxda Barcelona ayaa ku badisay 12/1 kulan labada lugood ah.
Markii ugu dambeeyay ee ay labada kooxood ku kulmaan garoonkan ayay kooxda Barcelona ku badisay 4/0 kulan ka tirsanaa tartanka Horyaalka La Liga.