Hordhac: Huddersfield Town Vs Arsena: Gunners Oo Raadinaysa Ku Soo Laabashada Wadada Guulaha

Kooxda Arsenal ayaa booqan doonta garoonka kooxda aadka u dhibaataysan ee Huddersfield Town ee John Smith’s Stadium kulan ka tirsan premier Leageu.

Gunners ayaa isha ku haysa in ay ku soo laabato wadada saxda ah kadib guuldaradii ka soo gaadhay Man City todobaadkii hore.

Dhanka kale kooxda Huddersfield Town ayaa doonaysa in ay ka baxdo guulaha 3-da kulan ee xiriir ah premier League.

Kulanka: Huddersfield Town Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00 Galabnimo

Garoonka: John Smith’s Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Huddersfield Town ayaa raadinaysa guusheedii ugu horaysay ee ay ka gaadho Arsenal kadib 12 kulan oo ay la ciyaartay iyada oo guushii ugu dambaysay ee ay ka gaadhay Gunners ahayd January 1971.

Arsenal ayaa ah kooxda kaliya ee aan shabaqeeda ilaashan kulamada ay martida tahay xilli ciyaareedkan premier League laakiin markii ay ugu dambaysay ee ay kulan dhexdiisa ilaashatay shabaqa kulan ay la ciyaartay Huddersfield maalintii ugu dambaysay horyaalka xilli ciyaareedkii hore.

Gunners ayaan wax guul ah gaadhin 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda premier League iyada oo laga badiyay 3 ka mid ah inkasta ugu yaraan 2 gool dhalisay 8-dii kulan ee ugu dambeeyay xilli ciyaareedkan laakiin aan wax gool ah dhalin 4-tii kulan ee ugu dambaysay.

7 ka mid ah 9-kii gool ee uu dhaliyay Alexandre Lacazette horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waxa ay ahaayeen qaar ay Gunners guul ku gaadhay kaliya Mohamed Salah oo dhaliyay 8 ayaa ka badan tartanka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here