Hordhac: Girona Vs Barcelona: Blaugrana Oo Aan Wax Guuldaro Ah Kala Kulmin Girona Ilaa Haatan

Kooxda Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda ay jaarka yihiin ee Girona kulan ka tirsan horyaalka La Liga toodabaadkiisii 21-aad.

Barcelona ayaa kulanka soo gali doonta iyada oo isha ku haysa guusheedii 7-aad oo xiriir ah ee ay ka gaadhaan horyaalka La Liga.

Kooxda Girona ayaa dhankeeda kulanka u soo galaysa sidii ay u gaadhi lahayd guul ka caawisa in ay kaalmaha hore soo gaadho kana soo baxdo kaalinta 12-aad.

Kulanka: Girona Vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 6:15 Galabnimo

Garoonka: Estadi Montilivi

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona kaliya midkii 4-aad ee ay iska hor yimaadaan kooxaha isku magaalada ah ee Barcelona iyo Girona.

Kooxda Barcelona ayaa kulankii ugu horeeyay ee ay ku ciyaartay garoonka Girona ku badisay 3/0 ka hor inta ayna 6/1 uga badin lugtii 2-aad ee La Liga xilli ciyaareedkii hore.

Kooxda Girona ayaa bar-baro 2/2 ah ku qabatay kooxda Barcelona markii ay booqdeen Camp Nou kulamadii hore ee xilli ciyaareedkan La Liga.

Shaxda Macquulka Ah Ee Laga Yaabo In Ay Ku Soo Galaan Labada Kooxood:

Girona: Bounou; Alcala, Espinosa, Juanpe; Porro, Pons, A Garcia, Valery; Portu, Stuani, Lozano

Barcelona: Ter Stegen; Roberto, Pique, Vermaelen, Alba; Rakitic, Busquets, Arthur; Coutinho, L Suarez, Messi

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here