Hordhac: Getafe vs Barcelona: Blaugrana Oo Doonaysa Sii Wadashada Guulaha Xiriirka Ah.

Kooxda Difaacanaysa horyaalka La Liga ayaa u muuqata mid dib u heshay qaab ciyaareedkeedii fiicnaa kadib markii ay si liidata ku bilaabatay xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda Getafe kulan ka tirsan todobaadkii 19-aad ee horyaalka La Liga kulan ka dhici doona Coliseum Alfonso Perez.

Kooxda Eenesto Valverde ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay ka faa,iidystaan kooxaha Atletico Madid iyo Sevilla oo isla ciyaaraya siina dheeraystaan hogaanka horyaalka.

Kulanka: Getafe vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 10:45 Habeenimo

Garoonka: Coliseum Alfonso Perez

Kooxda Getafe ayaa bar-baro goolal la,aan ah ku qabatay Barcelona markii ay labada kooxood ku kulmeen Camp Nou sanadkii hore gaar ahaan garoonka Camp Nou.

Kooxda Barcelona ayaa rikoodh 4 guulood oo xiriir ah ka gaadhay kooxda Getafe marka ay ku ciyaarayso garoonkeeda Azulones.

Getafe ayaa kaliya dhalisay hal gool 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka premier league ay la ciyaartay kooxda Blaugrana.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here