Hordhac: Fulham Vs Man United: Reds Devils Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Ay Dhigtay 10 Sano Ka Hor

Kooxda Man United ayaa dhigeeda Fulham Marti ugu noqon doonta Garoonka Craven Cottage kulan ka tirsan todobaadkii 26-aad ee horyaalka premier League.

Fulham ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay u gaadhi lahayd guudheedii 2-aad 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay premier League.

Dhanka kale Man United ayaa isha ku haysa in ay sii wado rikoodhkeeda guuldaro la,aanta intii uu Ole Gunnar Solskjaer hogaaminayay waliba kaalinta 4-aad kala wareegto kooxda chelsea.

Kulanka: Fulham Vs Man United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 3:30 Galabnimo

Garoonka: Craven Cottage

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Fulham ayaa isha ku haysa in ay gaadho guusheedii 2-aad oo xiriir ah premier League garoonkeeda markii ugu horaysay tan ilaa April 2013.

Sideed ka mid ah 10-ka gool ee uu dhaliyay weeraryahanka Kooxda Fulham ee Aleksandar Mitrovic waxa ay ka dhasheen garoonka Craven Cottage.

Man United ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Fulham 10 kulan oo premier League ah 8 way badisay 2 kulan bar-baro ayay gashay.

United ayaa isha ku haysa guusheedii 6-aad oo xiriir ah oo ay ka gaadho meel ka baxsan garoonkeeda tartamada oo dhan markii ugu horaysay tan May 2009.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here