Hordhac: Fulham Vs Liverpool: Reds Oo Doonaysa In Ay Ku Soo Laabato Hogaanka Horyaalka

Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta kooxda Fulham kulan ka tirsan todobaadkii 31-aad ee horyaalka premier league.

Fulham ayaa kulanka soo galaysa iyada oo aan wax guul ah gaadhin tan ilaa bishii January ee bilowgii sanadka cusub markii ay 4/2 uga badiyeen Brighton.

Dhanka kale Liverpool ayaa bar-baro gashay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda iyada oo ay guul ugu dambaysay kulankii 1/0 ahaa ee ay ka gaadhay Brighton bishii January.

Waxa intaas sii dheer in ay Liverpool kaliya dhalisay hal gool tan ilaa bishii January kaas oo ay dhalisay kulankii ay 1/0 uga badisay Brighton.

Kulanka: Fulahma Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00 Galabnimo

Garoonka: Craven Cottage

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Fulham ayaa raadinaysa guusheedii ugu horaysay ee ay ka gaadho Liverpool tan ilaa guushii ay 1/0 uga gaadhay Anfield sanadkii 2012.

Kulamadii ay Fulham kula ciyaartay Liverpool garoonkeeda ayaan ku dhamaan bar-baro iyada oo Fulham badisay 5 kulan 8 guuldarana la kulantay.

Mohamed Salah ayaa ku lug lahaa 12 gool 8-dii kulan ee uu ka hor tagay kooxda u soo dalacay premier league 6 gool iyo 6 caawin.

Reds ayaan guuldaro kala kulmin 11-kii kulan ee ugu dambeeyay premier League ay la ciyaartay kooxaha u soo dalacay premier League iyada oo guuldaradii ugu dambaysay ee ka soo gaadhay ahay 2017 kulan ay 2/0 kala kulantay Hull City.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here