Hordhac: Fulham Vs Chelsea: Blues Oo U Dagaalamaysa Kaalinta 4-aad Marka Ay La Ciyaari Doonto Fulham

Kooxda Fulham ayaa marti galin doonta kooxda chelsea kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkiisii 29-aad kulan ka dhici dooona garoonka Craven Cottage.

Fulham ayaa kulan soo galaysa iyaga oo uu hogaaminayo tababare Scott Parker kadib markii ay shaqada ka caydhiyeen Claudio Ranieri.

Blues ayaa dhankeeda kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay gaadhaan guul ka caawisa u tartamista kaalinta 4-aad.

Kulanka: Fulham Vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:15 Daqiiqo

Garoonka: Craven Cottage

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Fulham ayaa laga badiyay dhamaan 9-kii kula ee London Derby ee ay ciyaartay xilli ciyaareedkan waxana ay noqon doontaa kooxdii ugu horaysay ee 10 kulan oo London Derby ah laga badiyo xilli ciyaareed kaliya.

Kala badh goolasha Pedro uu u dhaliyay kooxda chelsea xilli ciyaareedkan ayaa yimid kulamada Derby London isaga oo 4 ka dhaliyay 8 kulan.

Schurrle ayaa dhaliyay saddexley kulankii ugu dambeeyay ee ay Fulham marti galisay chelsea markaas oo uu u ciyaarayay kooxda chelsea.

Chelsea ayaa badisay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda iyada oo laga dhaliyay 12 gool halka ayna waxba dhalin.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here