HORDHAC : Everton VS Manchester United? Kaddib ka haristii Champions league United oo xooga saareysa kaalmaha afarta sare ee horyaalka

0

Kooxda Manchester United oo laga soo ciribtiray tartanka Champions League bartamihii Asbuucii aan soo dhaafnay ayaa markale maanta xiliga qadada UK booqaneysa Kooxda Everton kulan ka tirsan horyaalka Premier league.

United ayaa awoodeeda oo dhan isagu geyneysa sidii ay uga mid noqon laheed kooxaha sanadkan ku dhameesan kara kaalmaha afarta sare ee loo soo aado tartanka Champions League.

Maxaa ka cusub labada dhinac ka hor kulanka :

Everton waxaa ka maqan kulankan Andre Gomes kaasoo lagu ganaaxay seddex kulan , ka dib markii uu calaamad casaan ah ku qaatay Aleksandr Mitrovic kulankii guuldarada ay ka soo gaartay Fulham.

Tom Davies iyo Morgan Schneiderlin madidook ayaa doonaya inay bedelaan booska uu ka maqan yahay wiilka reer Portugal, halka Jerry Mina uu weli dhaawac ku maqan yahay

Dhica kale macalinka Kooxda Manchester United ayaa doonaya in uu is bedel ku sameeyo  ciyaartoydiisa kaddib guul daradii soo gaartay bartamihii isbuuc ee Champions League, xili Ander Herrera uu ku soo laabtay tababarka ka dib dhaawac muruqa ah.

xidigaha kala ah Nemanja Matic iyo Alexis Sanchez ayaa diyaar ah laakiin Luke Shaw ayaa ganaax ku maqan.

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Everton VS Manchester United? (Premier League)

Goorta : 3 : 30 oo Galabnimo

Goobta : Goodison Park

Garsoorka : Paul Tierney

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta ka hor kulanka :

Everton ayaa laga badiyay 36 kulan oo Premier League ah oo ay la ciyaartay Manchester United, waana kooxda ugu badan ee ay kala kulantay guul darooyinka ugu badan.

United ayaa 16 kulan oo Premier League ah ku guuleysatay Goodison Park waana garoonka ugu badan oo ay guul banaanka ah ku soo  gaarto.

Everton ayaa kaliya badisay kulan ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaareen Kooxda Manchester United, hadaba guushaas oo 3-0 aheyd ayaa timid kulan ka dhacay garoonkooda bishii April 2015.

Manchester United ayaa laga badiyay afar kulan  oo isku xigta oo ay marti yihiin tartamada oo dhan markii ugu horeysay mudo 20 sano ah. Ole Gunnar Solskjaer wuxuu ciyaaray dhamaan afarta kulan oo ay horey u  guul dareesteen sandkii 1999.

Kooxda lagu naaneeso shayaadiinta cas-cas ayaa qasaari kara seddex kulan oo Premier League oo xiriir ah waliba iyaga oo marti ah markii ugu horeysay tan iyo bishii Janaayo 1996

Eeg safafka macquulka ah ka hor kulanka inta aan la baasan :

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here