Hordhac: Everton Vs Man City: Citizen Oo Hogaanka Premier League Kala Wareegi Karta Liverpool

Kooxda Everton ayaa marti galin doonta kooxda Man City kulan ka tirsan todobaadkii 26-aad ee horyaalka premier League.

Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Citizen ayaa isha ku haysa in ay gaadho guusheedii 6-aad ee 7-dii kulan ee ugu dambasay premier Leageu.

Everton ayaa dhankeeda isha ku haysa in ay ku soo laabato kaalinta 8-aad ee kala saraynta premier league dibna ugu soo laabato wada guulaha kadib guuldaradii ka soo gaadhay Wolves.

Kulanka: Everton Vs Man City

Tartanka: premier League

Wakhtiga: 10:45 Habeenimo

Garoonka: Goodison Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man City ayaa badisay 2 ka mid ah 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ay ka hor tageen Everton waana in ka badan 17-kii kulan ee hore ee tartamada oo dhan ay booqdeen Goodison Park.

Xiddiga Everton ee Theo Walcott ayaa 5 gool ka dhaliyay Man City premier League kaliya West Ham oo uu ka dhaliyay 6 gool ayaa ka badan, waxana uu 5-taas gool ka dhaliyay 7-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Sergio Aguero ayaa dhaliyay mid kasta oo ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay City ciyaartay tartamada oo dhan wakhtigaas waxa uu dhaliyay 6 gool oo uu ka dhaliyay 8 laad waxana uu ciyaaray 249 daqiiqo oo ka mid ah 360 daqiiqo.

Man City ayaa laga badiyay 3 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambaysay ee premier League waana in ka badan 34-kii kulan ee hore ee ay ciyaartay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here