Hordhac: Everton Vs Liverpool: Reds Oo Ay Doonaysa In Ay Ku Soo Laabato Hogaanka Premier League

Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta Kooxda Everton kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkiisii 29-aad.

Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ay ka go,antahay ama ku qasban in ay guul gaadhaan si ay ula wareegaan hogaanka horyaalka premier League.

Dhanka Everton ayaa doonaysa in ay gaadho guushoodii 2-aad oo xiriir ah kadib markii ay kulankii hore ka badiyeen Cardiff City.

Kulanka: Everton Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:15 Daqiiqo

Garoonka: Goodison Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii 200-aad ee Liverpool iyo Everton ku dhex mara heerka sare taas oo ka dhigaysa kulanka 2-aad ee ugu ciyaarista badan isaga oo ka dambeeya Aston Villa v Everton (202).

Everton ayaan wax guul ah ka gaadhin Liverpool 18-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan waana rikoodhkii ugu badnaa ee ayna wax guul ah ka gaadhin Reds.

Inkasta oo ayna wax guuldaro ah kala kulmin 16-kii kulan ee ugu dambeeyay hadana Liverpool ayaa raadinaysa in ay laba guulood ka gaadho Everton markii 3-aad 8-dii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Mohamed Salah ayaa dhaliyay 49 gool 64 kulan oo premier League ah waxana uu noqon karaa xiddiga ugu deg-dega badan ee dhaliya 50 gool Taariikhda premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here