Hordhac: Everton Vs Chelsea: Kulankan Oo Isku Qori Kara Taariikhda Premier League

0

Kooxda chelsea ayaa marti u noqon doonta kooxda Everton kulan ka dhici doona garoonka Goodison Park kulan ka tirsan todobaadkii 31-aad ee premier League.

Chelsea ayaa doonaysa in ay kulankan gaadho guul si ay kaalinta 5-aad ugala wareegto kooxda Man United oo aan ciyaarin premier League todobaadkan.

Dhanka kale Everton oo xaalku ku xun yahay ayaa doonaysa in ay gaadho guul ka caawisa in ay ku soo laabtaan wadada saxda ah.

Kulan: Everton Vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30 Fiidnimo

Garoonka: Goodison Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Everton ayaa ku fashilantay in ay xitaa gool ka dhaliso kooxda Chelsea 5-tii kulan ee ugu dambaysay premier league, markii ugu dambaysay ee ay koox 6 kulan oo xiriir ah gool ka dhalin waayaan ayaa ahayd intii u dhexaysay 1972 ilaa 1979 markaas oo ay gool ka dhalin waayeen 6 kulan oo xiriir ah kooxda Southampton.

Labadii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ah ee Everton iyo Chelsea ayaa ku dhamaaday bar-baro 0/0 ah kulamada Arsenal v QPR, Aston Villa v Man Utd, Charlton vs Middlesbrough & Coventry vs Sheffield Wednesday ayaa ah 4-ta kulan ee gool la,aan ku dhamaaday 3 kulan oo xiriir ah taariikhda premier League.

Kooxda Everton ayay xiddigo kaal duwan u dhaliyeen 7-dii gool ee ugu dambaysay ee ay ku dhaliyeen garoonkooda Goodison Park.

Garoonka Goodison Park ayaa ah gooroonka uu xiddiga Eden Hazard ka dhaliyay goolasha ugu badan isaga oo ka dhaliyay 6 gool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here