Hordhac: Everton Vs Arsenal: Guuners Oo Isha Ku Haysa Ku Soo Laabashada Kaalinta 3-aad

Kooxda Arsenal ayaa marti u noqon doonta kooxda Everton kulan ka tirsan horyaalka Premier League kulan ka tirsan toodbaadkii 33-aad kana dhici doona garoonka Goodison Park.

Arsenal ayaa bartilmaameedsanaysa guusheedii 3-aad oo xiriir ah iyo waliba in ay ku soo laabtaan kaalinta 3-aad ee kala saraynta salaanka horyaalka premier League.

Dhanka kale Everton ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay u gaadhi lahayd guusheedii 3-aad oo xiriir ah marka ay marti galin doonta Kooxda Arsenal.

Kulanka: Everton Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 4:05 Galabnimo

Garoonka: Goodison Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Everton ayaa guul 2/0 ah ku badisay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka premier League markii ugu dambaysay ee ay gaadheen laba guulood oo xiriir ah oo aan wax gool ah laga dhalin Horyaalka ayaa ahayd January 2017.

Xiddiga khadka dhexe ee Gylfi Sigurdsson ayaa ah xiddiga goolasha ugu badan ku lug leh kooxda Everton xilli ciyaareedkan premier League tan ilaa xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 16 gool 7 kalena caawiye ka noqday.

Kooxda Arsenal ayaa goolasha ugu badan ka dhalisay Everton taariikhda horyaalka premier League iyada oo shabaqeeda soo taabatay 107 jeer.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey ayaa ku lug lahaa 9 gool 5-tii kulan ee uu ka hor tagay Everton isaga oo dhaliyay 6 gool 3 kalena caawiye ka noqday.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here