Hordhac: Espanyol Vs Real Madrid: Los Blancos Oo Doonaysa In Ay Sii Wadato Qaab Ciyaareedkeeda Fiican

Kooxda Real Madrid ayaa booqan doonta garoonka RCDE Stadium oo ay kula ciyaari doonto kooxda Espanyol kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyada oo u muuqata mid dib u heshay qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa.

Los Blancos ayaa isha ku haysa in ay gaadho guusheedii 3-aad oo xiriir ah horyaalka La Liga marka ay Espanyol Marti u Noqon doonaan.

Dhanka kale kooxda Espanyol ayaa isha ku haysa in ay qabato kooxda Real Madrid si ay ugu soo laabato wadada guulaha kadib guuldarooyin xiriir ah.

Kulanka: Espanyol Vs Real Madrid.

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 10:45 Habeenimo

Garoonka: RCDE Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Real Madrid ayaa 1/0 uga badisay Espanyol markii ay wada kulmeen kulankii hore ee qaybtii hore ee horyaalka xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee kooxda Espanyol ayaa guul 1/0 ah ka gaadhay Real Madrid kulan horyaalka ahaa xilli ciyaareedkii hore.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay Real Madrid kooxda Espanyol kaga badiso gurigeeda ayaa ahaa September 2016 markaas oo ay Real ku baidsay 2/0.

Shaxda Macquulka ah ee labada Kooxood ku soo gali karaan Kulanka:

Espanyol: Diego Lopez; J Lopez, Hermoso, Naldo, Vila; Granero, Sanchez, Roca; Puado, Baptistao, Melendo

Real Madrid: Courtois; Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Llorente, Kroos, Modric; Vinicius, Benzema, Lucas

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here