Hordhac: Crystal Palace Vs Man United: Red Devils Oo Doonaysa In Ay Ku Soo Laabato Wadada Guulaha

Kooxda Man United ayaa marti u noqon doonta kooxda mayalka adag ee Crystal Palace kulan ka tirsan todobaadkii 28-aad ee horyaalka Premier League.

Red Devils oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jirta tan ilaa markii uu tababare Solskjaer shaqada kooxda qabtay ayaa doonaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha.

United ayaa bar-baro la gashay hogaamiyayaasha horyaalka premier League Liverpool Axadii waxana ay doonayaan in ay dib u helaan kaalinta 4-aad oo ay lumiyeen.

Man United ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Crystal Palace 21-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka premier League tan ilaa markii ay guuldaro 3/0 ah kala kulmeen May 1991, waxay badiyeen 17 kulan waxana ay bar-baro galeen 4 kulan.

Kadib bar-barihii ay Crystal Palace, Man United kula gashay Old Trafford kulan dhacay qaybtii hore ee xilli ciyaareedka Crystal Palace ayaa doonaysa in ay ka fogaato guuldaro ay Man United kala kulanto labada kulan ee horyaalka markii ugu horaysay tan ilaa 1989/1990 markaas oo ay Palace badisay hal kulan mid kalena bar-baro la gashay United.

Man United ayaa badisay 7-dii kulan ee ugu dambaysay ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda tartamada oo dhan waana rikoodhkeedii ugu fiicnaa tan ilaa April 2002 markaas oo ay sidoo kale 7 kulan xiriir u badisay, kooxdii ugu dambaysay ee 8 kulan oo xiriir ah badisay meel ka baxsan garoonkeeda waxa ay ahayd Man City iyada oo sidaas samaysay November 2017 iyada oo 11 kulan xiriir u badisay.

Luka Milivojevic ayaa dhaliyay goolal ka badan xiddig kasta oo Crystal Palace ah tan ilaa markii uu kulankiisii ugu horeeyay u saftay kooxda February 2017 waxa uu dhaliyay 20 gool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here