Hordhac: Crystal Palace Vs Chelsea: Blues Oo Ku Dhibaatootay Shantii Kulan Ee Ay Kooxaha Reer London Kula Ciyaartay Garoonkooda

Kooxda Crystal Palace ayaa marti galin doonta kooxda chelsea kulan ka tirsan todobaadkii 20-aad ee horyaalka premier Leageu kulan ka dhici doona garoonka Selhurst Park.

Crystal Palace ayaa laf dhuun gashay ku noqotay chelsea 3-dii kulan ee ugu dambeeyay iyada oo aan wax guuldaro ah kala kulmin chelsea 3-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Dhanka kale Blues oo wadada guulaha ku soo laabatay kulankii Watford ayaa kaliya laga badiyay hal kulan 4-tii kulan ee ugu dambaysay.

Kulanka: Crystal Palace Vs Chelsea

Tartanka: Premier Leageu

Wakhtiga: 3:00 Galabnimo

Garoonka: Selhurst Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Crystal Palace ayaa badisay 2 ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ayy la ciyaartay Chelsea iyada oo ka badan intii ay ka badisay 18-kii kulan ee hore ee ay la ciyaartay.

Chelsea ayaan wax guul ah gaadhin 5-tii kulan ee premier League ee ay kulamada London Derbies ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda 2 kulan bar-baro ayay gashay 3 kale waa laga badiyay waana rikoodhkeedii ugu xumaa tan ilaaintii u dhexaysay December 2010 ilaa September 2012 markaas oo ayna 8 kulan wax guul ah gaadhin.

Chelsea ayaa raadinaysa in ay badiso 3 kulan oo xiriir ah oo ay marti tahay premier Leageu markii ugu horaysay intii uu Maurizio Sarri taabbaraha u ahaa markii ugu dambaysay ee ay sidaas samaysay ayaa ah bishii April markaas oo uu tababare Conte hogaaminayay.

Xiddiga Khadka dhexe uga ciyaar kooxda Crystal Palace ee Luka Milivojevic ayaa dhaliyay 17 kulan tan ilaa markii uu kulankiisii ugu horeeyay u saftay kooxda isaga oo ka badan xiddig kasta oo England ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here