Hordhac: Chelsea Vs Tottenham : Kooxda Sarri Oo Dooneysa In Ay Ka Soo Kabsadaan Xanuunkii FA Cup-ka

Chelsea ayaa kulan adag ku marti gilineysa kooxda Tottenham kaasi oo imaanayaa xilli kooxdaas laba guul darro xanuun badan oo horyaalka iyo FA Cup-ka ah ka qaabishay dhawaan kooxda Man City

Tababare Sarri ayaan weli go`aansan in uu ku soo bilaabayo goolhaye Kepa Arrizabalaga kaasi oo kulankii finalka FA Cup-ka diiday in la badallo xilligaas oo kooxdiisa looga badiyay rigoorayaal

Xogta Kulanka

* Chelsea ayaa kaliya guul dareystay hal kullan oo qeyb ka ah 32-kii kullan ee ugu dambeyay ee ay Tottenham ku marti giliyeen garoonkooda dhamaan tartamada , waxa ay badiyeen 20 jeer halka 11 kalana ay galeen bar bar dhac , waxaana xusid mudan in guul daradaas ay timid xilli ciyaareedkii hore xilligaas oo looga badiyay 1/3.

* Totteham ayaa badiyay sedex kulan oo qeyb ka ah afartii kullan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay la ciyaareen kooxda Chelsea halka midka kalana iyaga laga badiyay .

* Tottenham ayaa baadi goobeysa in ay ka badiyaan Chelsea sedex jeer oo isku xigta waxa ayna noqoneysaa markii ugu horeysay ee ay sidaas ku sameeyaan Chelsea tan iyo markii shan jeer isku xigta garaaceen inta u dhaxesay March 1961 iyo September 1963-dii

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here