Hordhac: Chelsea Vs Tottenham: Blues Mise Spurs? Kooxdee Finalka Carabao Cup-ka Ugu Tagi Doona Man City.

Kooxda Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge ku marti galin doonta kooxda Tottenham kulan ka tirsan lugtii 2-aad ee Semi-finalka tartanka Carabao cup-ka.

Blues ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay uga soo laaban lahayd guuldaro 1/0 ah oo ay kala kulantay Tottenham kulankii Lugtii hore.

Dhanka kale Tottenham ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay u adkaysan lahayd guusheeda iskana xaadirin lahayd Finalka tartanka.

Kulanka: Chelsea Vs Tottenham

Tartanka: Carabao cup

Wakhtiga: 10:45 Habeenimo

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA

Chelsea ayaa laga badiyay labadii kulan ee ay la ciyaareen Tottenham tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, markii ugu dambaysay ee ay koox kaliya 3 guuldaro kala kulanto xilli ciyaareed kaliya ayaa ahayd 2012/2013 markaas oo ay kala kulantay Man City.

Tottenham ayaa isha ku haysa in ay guul ka gaadho Chelsea 4 kulan oo xiriir ah tartamad oo dhan markii ugu horaysay tan ilaa intii u dhexaysay March 1961 iyo September 1963.

Chelsea ayaan laba kulan oo xiriir ah Tottenham guuldaro kala kulmin iyada oo joogta garoonkeeda Stamford Bridge tartamada oo dhan tan ilaa March 1982.

Markii ugu dambaysay ee ay Tottenham garaacday koox kaliya 3 kulan xilli ciyaareed kaliya waxa ay ahayd 2013/2014 markaas oo ay garaacday Aston Villa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here