Hordhac: Chelsea Vs Southampton: Blues Oo Rikoodh Xun Ku Leh Kulamada Ay Ciyaarto Bilowga Sanadka

0

Kooxda Chelsea ayaa marti galin doonta kooxda Southampton kulan ka dhici doona garoonka Stamford Bridge kana tirsan todobaadkii 21-aad ee horyaalka premier League.

Chelsea ayaa ku dhawaatay kaalinta 3-aad kadib markii ay badisay 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambaysay horyaalka premier League.

Waxa ay la ciyaari doontaa kooxda Southampton oo laga badiyay 9 ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ku ciyaartay London premier League.

Kulanka: Chelsea Vs Southampton

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:45 Habeenimo

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Markii ugu dambaysay ee ay chelsea ciyaartay kulankeedii ugu horeeyay ee premier League bilowga sanadka waxa ay ahayd 2013 waxana ay guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Queens Park Rangers.

Tan ilaa markii ay shabaqeeda ilaashatay 2 kulan oo xiriir ah bishii October, Southampton ayaa ugu yaraan laga dhaliyay gool 10-kii kulan ee ugu dambeeyay premier League.

Eden Hazard ayaa ku lug lahaa 7 gool 6-dii kulan ee ugu dambaysay ee uu ka hor tagay Southampton tartamada oo dhan 4 gool wuu dhaliyay 3 kale caawiye ayuu ka noqday.

Southampton ayaa badisay seddex ka mid ah 19kii kulan ee ay booqdeen garoonka Stamford Bridge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here