Hordhac: Chelsea Vs Nottingham Forest: Blues Ka Casbi Qabta Rikoodh Cajiib Ah Oo Forset Ku Leedahay Difaacadayaasha FA Cup-ka

0

Kooxda Chelsea ayaa bilaaban doonta difaacashada tartanka FA Cup-ka oo ay ku guulaystay xilli ciyaareedkii hore marka ay marti galin doonto kooxda Nottingham Forest kulan ka dhici doona garoonka Stamford Bridge.

Blues ayaa doonaysa dhanka kale in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib markii ay bar-baro la gashay kooxda Southampton.

Dhanka kale kooxda Nottingham Forest ayaa doonaysa in ay difaacayaasha tartanka ku dhex reebaan garoonkooda Stamford Bridge.

Kulanka: Chelsea Vs Nottingham Forest

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 6:00 Galabnimo

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaa wareega xiga u gudubtay dhamaan 3-dii kulan ee ay la ciyaartay kooxda Nottingham Forest ee tartanka FA Cup-ka.

Blues oo gaadhay Finalka FA Cup-ka laabdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay tartanka ayaan lagu reebin wareega 3-aad tan ilaa 1997/1998.

Kooxda Nottingham Forest ayaa reebtay kooxaha difaacanaya FA Cup-ka 5 ka mid ah 6-dii jeer ee ay wajeheen iyada oo ay ugu dambaysay Arsenal oo ay reebeen xilli ciyaareedkii hore.

Nottingham Forest ayaa u dhexaysay guul ama guuldaro 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee wareega 3-aad ee FA Cup-ka iyaga oo garaacay Arsenal kulankii ugu dambeeyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here