Hordhac: Chelsea Vs Newcastle United: Blues Oo Iska Ilaalinaysa In Ay Dhigto Rikoodh Xun Ayna Dhigin Muddo 26 Sano Ah

0

Kooxda chelsea ayaa marti galin doonta kooxda Newcastle United kulan ka dhici doona goroonka Stamford Bridge kulan ka tirsan todobaadkii 22-aad ee premier league.

Blues oo kaalinta 4-aad ku jirta ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay u gaadhi lahayd guul ka caawisa in ay ku soo laabato wadada guulaha.

Dhanka kale kooxda Newcastle United ayaa raadinaysa guusheedii ugu horaysay ee shantii kulan ee ug dambaysay premier League.

Kulanka: Chelsea Vs Newcastle United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 8:30 Fiidnimo

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 23 kulan oo ay gurigeeda kula ciyaartay Newcastle, waxaana ay badiyeen lixdii kulan ee ugu danbeysay ee Stamford Bridge tartamada oo dhan, waxaana ay dhaliyeen 18 gool waxaana laga dhaliyay kaliya labo gool.

Eden Hazard ayaa dhaliyay lix gool waxaana uu caawiyay hal gool 5 kulan oo uu Newcastle kaga hor yimid Stamford Bridge.

Blues ayaa ku fashilantay in ay wax gool ah dhaliyaan labadii kualn ee ugu dambeeyay ee ay premier League ku ciyaareen garoonkooda laakiin 3 kulan oo garoonkeeda ah gool la,aan may bixin tan ilaa November 1993.

Salomon Rondon ayaa dhaliyay 3-dii gool ee Newcastle ee ugu dambeeyay premier league ee ay ka dhalisay meel ka baxsan garoonkeeda

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here