Hordhac: Chelsea Vs Leicester City: Blues Oo Ka Gacan Saraysa Foxes Kulamadii Ugu Dambeeyay

0

Kooxda chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge ku marti galin doonta kooxda Leicester City kulan ka tirsan todobaadkii 18-aad ee horyaalka premier League.

Blues ayaa ku rajo weyn in ay gaadho guushii 3-aad oo xiriir ah si ay ugu dalacdo kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Kooxda lagu naanayso dacawooyinka ayaa dhankeeda isha ku haysa in ay ka soo laabato guuldaro lama filaan ah oo ka soo gaadhay kooxda Crystal Palace halka ay sidoo kale isha ku hayaan guusheedii ugu horaysay ee ay ka gaadho Chelsea premier league kadib 6 jeer oo ay isku dayday.

Kulanka: Chelsea Vs Leicester City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00 Galabnimo

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaa laga badiyay kaliya hal jeer 12kii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen Leicester City Guuldaradaas ayaa ka dhacay garoonka King Power Stadium bishii Diseembar 2015 markaas oo ay chelsea difaacanaysay horyaalka xilli Leicester city xilli ciyaareedkaas ku guulaysteen horyaalka.

Eden Hazard ayaa caawiye ka ahaa mid kasta oo ka mid ah afartiisii ??kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka, kaliya xiddiga chelsea ah ee caawiye gool ka noqday 5 kulan oo xiriir ah ayaa ah caawiyaha tababaraha kooxda haatan ee Gianfranco Zola oo sidaas sameeyay December 2002.

Hazard ayaa 99 gool u dhaliyay Chelsea tartamada oo dhan, waxaana uu noqon karaa kaliya 10ka ciyaaryahan ee udhaliya 100 gool tartamada oo dhan.

Jamie Vardy ayaa dhaliyey 27 gool 47 kulan oo premier League ah oo uu ka hor tagay kooxaha 6-da ah ee ugu waaweyn iyada oo ay ku jiraan 2 gool uu ka dhaliyay chelsea.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here