Kooxda chelsea ayaa marti galin doonta kooxda Huddersfield Town kulan ka tirsan todobaadkii 25-aad ee horyaalka premier League.
Blues ayaa kulanka u soo galaysa in ay dib u gasho kaalinta 4-aad oo ay Arsenal kala wareegtay bartamihii todobaadkan markii ay guuldaro ceeb ah kala kulantay Bournemouth.
Dhanka kale kooxda Huddersfield Town oo 6 dhibcood ka dambaysa kooxda Kaalinta 18-aad ku jirta ayaa doonaysa in ay soo yarayso dhibcaha si ay ugu dagaalanto sii joogista horyaalka premier League.
Kulanka: Chelsea Vs Huddersfield Town.
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 6:00 Galabnimo
Garoonka: Stamford Bridge
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Kooxda chelsea ayaa doonaysa in ay ka fogaato in ay soo gaadho 3 guuldaro oo xiriir ah markii ugu horaysay tan ilaa November 2015.
Eden Hazard ayaa ku lug leh 9 gool 7-dii kulan ee premeir League uu ka hor tagay kooxaha ku bilowda kaalinta ugu hoosaysa horyaalka 5 gool iyo 4 caawin.
Huddersfield Town ayaa raadinaysa guusheedii ugu horaysay ee ay Abid ka gaadho chelsea horyaalka heerka sare iyada oo aan guul ka gaadhin tan ilaa October 1954-kii.
Xiddiga Laurent Depoitre ayaa dhaliyay 2-dii gool ee ay Huddersfield Ka dhalisay kooxda Chelsea isaga oo labada gool ka kala dhaliyay December 2017 iyo May 2018.