Hordhac: Cardiff City Vs Man United: Ole Gunnar Solskjaer Oo Kulankiisii Ugu Horeeyay Hogaamin Doona Red Devisl

0

Kooxda Man United ee ayaa ciyaari doonta kulankoodii ugu horeeyay kadib markii shaqada laga caydhiyay tababare Jose Mourinho iyaga oo marti ugu noqon doona Cardiff City Stadium kooxda Cardiff City.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa booqan doona garoonkiisii hore ee uu ula dhaadhacay horyaalka heerka 1-aad wakhti hore isaga oo isha ku haya in uu guul ku bilowdo shaqadiisa Old Trafford.

Kooxda Cardiff City ayaa kulanka u soo galaysa iyaga oo raadinaya guushii ugu horaysay ee ay ka gaadhaan Man United horyaalka premier League.

Dhanka kale kooxda Man United ayaa isha ku haya in ay ka soo laabtaan guuldaradii ka soo gaadhay Anfield iyo Liverpool todobaadkii hore.

Kulanka: Cardiff City Vs Man United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 8:30 Fiidnimo

Garoonka: Cardiff City Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kaliya Arsenal oo 12 dhibcood heshay inkasta oo goolal looga horeeyay horyaalka premier league ayaa ka badan kooxaha Cardidd iyo Man United kuwaas oo 9 dhibcood helay.

Cardiff City ayaa badisay 4 ka mid ah shantii kulan ee ugu dambaysay premoer League ee ay ku ciyaartay garoonkeeda waana in ka badan intii ay badisay 22-kii kulan ee hore ee tartanka.

Man United ayaa guuldaro kala kulantay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kooxaha u soo dalacay premier league kula ciyaartay garoonkooda waana inta ugu badan marka loo eego 36-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here