HORDHAC : Cardiff City VS Liverpool? Kaga bogo macluumaadka kulankan oo dhameestiran

0

Kooxda liverpool oo si raaxo leh ku gaartay wareega afar dhamaadka ee tartanka Champions league ayaa markan booqaneysa kulan ka tirsan horyaalka Premier league Kooxda Cardiff City.

Liverpool ayaa dooneysa in ay dib mar kale  hogaanka kala wareegto Kooxda Man City oo shalay ka badisay Tottenham wallow kulan kale oo aadag ay todobaadkan gudihiis ay la qaadaneyso Kooxda dariska ay yihiin ee Manchester United.

Warararka labada koox ka hor kulanka :

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Cardiff City Harry Arter ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda ee kulanka madaama uu qabo dhaaaac ka soo gaaray kubka Asbuucii la soo dhaafay. 

Aron Gunnarsson ayaa wajahaya baaritaan caafimaad si loo hubiyo xaaladiisa caafimaad balse Leandro Bacuna ay diirada saaranaya inuu bedelo hadii uu taam u noqon waayo kulanka.

Dhica kale kooxda Liverpool ayaa usoo gudubtay wareega afar dhamaadka ee Champions league iyaga oona ka soo adkaaday Kooxda Porto xili  aan wax dhaawacyo ah soo gaarin.

Dejan Lovren ayaa taam u ah kulan kaan halka  Joe Gomez laga yaabo inuu ku soo bilowdo ka dib markii uu bedel ku soo galay kulankii lugta labaad ee bartamihii Isbuuca.

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Cardiff City VS Liverpool? ( Premier League)

Goorta : 6 : 00 oo Fiidnimo & Maqribnimo

Goobta : Cardiff City Stadium

Garsoorka : Martin Atkinson

Xaqiiqooyinka Ciyaarta laga diwaan ka hor kulanka :

Cardiff ayaa laga badiyay seddexdii kulan ee ugu dambeysay ee Premier league ay la ciyaartay Liverpool, waxaana laga dhaliyay 13 gool.Liverpool ayaa badisay shantii kulan ee ugu dambeyey tartamada oo dhan, oo ay ku jirto guushii rigooraha ee final-kii League Cup 2012.

Liverpool ayaa badin karta sagaal kulan oo isku xigta tartamada oo dhan markii ugu horeysay tan iyo bishii April 2014.

Cardiff ayaa kaliya badisay labo ka mid ah sideedii kulan ee ugu dambeyey ee ay garoonkeeda ku ciyaarto  horyaalka Premier League (1-bareejo , 5-qasaaro).

Kooxda lagu naaneeso Bluebirds ayaa laga badiyay 18 kulan oo isku xigta oo Premier League ah oo ay wajahday  lixda kooxood ee ugu sareeya horyaalka.

Mohamed Salah ayaa hal gool oo qura u jira in uu noqdo laacibkii sedexaad ee Liverpool u dhaliya 20-gool oo Premier league sanado xiriir ah horey waxaa sidan u sameeyey  Robbie Fowler iyo Luis Suarez.

Safafka macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :


Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here