Cardiff City oo marxalad cakiran ku jirta ayaa soo dhaween doonta kooxda Bules oo dhankeeda mashaqo weyn ay ka heysto kulmada banaanka ay ku soo ciyaarto .
Kooxda reer Londone ayaa iska lumisay shan dhibcood labdii kulan ee ugu dambeyey ee ay ka ciyaartay horyaalka Premier League , Chelsea wax wali hardan ugu jirtaa booska afaraad oo lowgu soo baxo tartanka Champions League .
Wararka labada koox ka hor inta aan la baasan ciyaarta:
Cardiff waxa ay weyn doontaa adeega xidigooda Callum Paterson inta ka harsan xili ciyaareedka madaamada uu ku dhaawacman xulkiisa Scotland inta lagu guda jiray waajibaadka xulalka.
Sol Bamba ayaa si doo kale qeeb ka ah xidigha waqti dheer ka maqnaa kooxda reer Weles balse waxaa kulankan ku soo dhawaanaya in uu ka soo muuqdo Jazz Richards.
Chelsea wax ay eegi doonaataa xaalda caafimaad ee Ruben Loftus-Cheek iyo Ethan Ampadu kuwaas oo dhamaantoodba ku seegay ciyaaraha heer caalami dhaawac ka soo gaaray dhabarka.
Callum Hudson-Odoi ayaa rajeenaya in uu ku soo bilowdo kulankan kaddib bandhgiisii wacnaa ee xulka Engalad isaga oona wacadaro dhigay kulan ciyareedkii ay la qateen Xulka Montenegro.
Daafaca reer Italy ee Davide Zappacosta ayaa qaba dhaawac canqowga balse waxa la hubin doona in uu diyaar u yahay kulanka iyo in kale .
Ogeysiiska ciyaarta :
Kulanka : Cardiff city VS Chelsea ( Premier League )
Goobta : Cardiff City Stadium
Goorta :4:5 oo galabnimo
Garsoorka : Craig Pawson
Xaqiiqooyinka ciyaarta :
Cardiff ayaa qasaartay 16-kulan oo xiriir ah oo ka ciyaartay horyaalka Premier League iyada oon markaas wajaheysa kooxaha lixda ee ugu sareeya horyaalka tan iyo bareejadii 2-2 ay la gashay kooxda Manchester United in November 2013.
Kooxda lagu naaneeso Bluebirds’ guushii ugu weyneed ee ay ka gaarto kooxda Chelsea wax ay aheyd ciyaar ka tirsaneed wareega sedexaad ee tartanka League Cup oo ku dhamaaday 2-1 ciyaartaas ayaana dhacday October 1986.
Kooxda rere Wells ayaa shabaqooda gool ka ilaal saday sided kulan oo Premier League ah xili ciyareedkan waxa ayna ka sareeyaan kooxda Arsenal (lix jeer shabaqeeda gool ka ilaashatay ) ,sidoo kale Manchester United iyo Wolves (oo si wada jir shabaqooda gool ka ilaal saday 7-mar).
Chelsea ayaa qasaartay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeyey ee ay ku soo ciyaatay meel ka baxsan garoonkeeda sandka 2019 waxaana kulamdaas lowga soo dhaliyey 14-gool .
Kaliya hal guul daro ayey la kulantay kooxda Bules 17 –kii kulan ee horyaalka Premier League ee ay wajahday kooxa ka socda Welsh kooxda Swansea ayaa ah kooxda marka qura ka badisay wax ayna aheyd ciyaar dhacday bishii April 2016
Eeg safafka macquulka ah ee ciyaarta ka hor kulanka :