Hordhac: Brighton Vs Liverpool: Reds Oo Aan Waligeed Guuldaro Kala Kulmin Brighton

0

Kooxda Liverpool ayaa dhigeeda Brighton & Hove Albion Marti ugu noqon doonta garoonka Amex Stadium kulan ka tirsan premier League todobaadkiisii 22-aad.

Liverpool ayaa kulanka u soo galaysa in ay gaadho guusheedii ugu horaysay ee tartamada oo dhan kadib markii ay la kulantay laba guuldaro oo xiriir ah.

Dhanka kale Kooxda Brighton & Hove Albion ayaa isha ku haysa in ay gaadho guusheedii 3-aad oo xirir ah premier League.

Kulanka: Brighton Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00 Galabnimo

Garoonka: Amex Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Brighton heerka 1-aad halka ay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay Brighton laga dhaliyay 15 gool iyada oo 16 ka mid ah ay dhalisay Liverpool.

Tababaraha Brighton ee Chris Hughton ayaa raadinaya dhibicdiisii ugu horaysay ee isaga oo tababare ah uu ka helo Liverpool kadib 7 jeer oo isku badalay.

Reds ayaa badisay 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ay ciyaartay 6 galabnimo sabtida iyada oo 7 ka mid ah kulamadaas ay ugu yaraan dhalisay 3 gool.

Mohamed Salah ayaa Brighton ka dhaliyay premier League 2 gool caawiyena ka noqday 2 gool oo kale.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here