Hordhac: Brighton & Hove Albion Vs Arsenal: Gunners Oo Kaliya Hal Kulan Laga Badiyay 9-kii Kulan Ee Ugu Dambeeyay Boxing Day-ga

Kooxda Brighton Hove Albion ayaa marti galin doonta kooxda Arsenla kulan ka tirsan todobaadkii 19-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Amex Stadium.

Brighton & Hove Albion ayaa kulanka soo galaysa iyada oo la kulantay 3 guuldaro oo xiriir ah kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka premier league.

Dhanka kale Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyada oo raadinaysa guusheedii 2-aad oo xiriir ah kadib markii ay badisy kulankii Burnley kuna soo laabatay wadada guulaha.

Kulanka: Brighton & Hove Albion Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 8:15 Fiidnimo

Garoonka: Amex Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Brighton ayaa Arsenal ka badisay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka heerka 1-aad kadib markii ay guuldaro kala kulantay labadoodii kulan ee ugu horeeyay.

Arsenal ayaa shabaqeeda ilaashatay 6 ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Brighton iyaga oo laga dhaliyay kaliya 6 gool kulamadaas.

Gunners ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee kulamada Boxing Day-ga waxana ka badisay Southampton xilli ciyaareedkii 2015/2016.

Glenn Murray ayaa Arsenal ka dhaliyay 2 gool 125-kii daqiiqo ee uu ka hor tagay Arsenal tartamada oo dhan iyada oo uu ku jiro goolkii xilli ciyaareedkii hore.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here