Hordhac: Bournemouth Vs Man City: Sky Blue Oo Si Buuxda Ku Meel Gaadh Dhibco Ugu Qaban Kara Hogaanka Premier League

Kooxda Man City ayaa marti u noqon doonta kooxda dhibaataysan ee Bournmeouth kulan ka tirsan todobaadkii 29-aad ee horyaalka premier League.

Man City ayaa muddo dheer markii ugu horaysay xilli ciyaareedka dhibco saafi ah si ku meel gaadh ah ugu qaban karta hogaanka horyaalka premier League.

Dhanka kale Bournemouth ayaa doonaysa in ay sii dheeraysato rikoodhkeeda 5 kulan ee guuldaro la,aanta ah ee garoonkeeda.

Kulanka: Bournemouth Vs Man City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00 Galabnimo

Garoonka: Vitality Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Bournemouth ayaa raadinaysa guusheedii ugu horaysay ee ay Abid ka gaadho kooxda Man City kadib 14 jeer oo ay isku dayday.

Man City ayaa rikoodh 100% ah ku leh kooxda Bournemouth iyada oo ka dhalisay 24 gool kaliyana laga dhaliyay 3 gool, 7 guulood ee ay City ka gaadhay kooxda Bournemouth ayaa ah rikoodhka ugu fiican ee guulaha ay koox ka gaadho koox kaliya iyada oo la bar-baro ah Kulanka Brighton iyo Wolves.

Man City ayaa badisay dhamaan kulamadii ay kooxaha South Coast kula ciyaartay garoonkooda premier League intii uu Pep Guardiola hogaaminayay City iyada oo guuldaradii ugu dambaysay ka timid Southampton kulan dhacay Bishii May 2016.

Raheem Sterling ayaa gool ka dhaliyay dhamaan kulamadii 6-da ahaa ee uu ka hor tagay Bournemouth waxana uu noqon karaa xiddigii 4-aad ee koox kaliya gool ka dhaliya 7 kulan oo xiriir ah iyo midii ugu horeeyay tan ilaa markii uu Romelu Lukaku sidaas sameeyay October 2016 isaga oo 7 kulan oo xiriir ah ka dhaliyay West Ham isaga oo joogay West Brom.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here