Hordhac: Bournemouth Vs Chelsea: Wiilsha Sarri Oo Isha Ku Haya Guul Ka Caawisa In Ay Sii Xejistaan Kaalinta 4-aad.

Kooxda Chelsea ayaa marti u noqon doonta kooxda Bournemouth kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkiisii 24-aad.

Chelsea ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay uga soo kabsan lahayd guuldaradii ka soo gaadhay kooxda Arsenal kulankii ugu dambeeyay iyo in ay guushii 3-aad ka gaadho Bournemouth xilli ciyaareedkan.

Kooxda Bournemouth ayaa isha ku haysa in ay gaadho guusheedii 2-aad oo xiriir ah oremier League markii ugu horaysay tan ilaa bishii October.

Kulanka: Bournemouth Vs Chelsea

Tartanka: Premeir League

Wakhtiga: 10:45 Habeenimo

Garoonka: Vitality Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kaliya Garoonka Etihad Stadium oo laga dhaliyay 50 gool premier Leagu xilli ciyaareedkan ayaa ka abdan garoonka Bournemouth ee Vitality Stadium kaas oo laga dhaliyay 38 gool.

Eden Hazard ayaa ku lug lahaa 8 gool 8-dii kulan ee uu ka hor tagay kooxda Bournemouth tartamada oo dhan waxa uu ka dhaliyay 7 gool iyo hal caawin.

Weeraryahanka Bournemouth ee Callum Wilson ayaa isha ku haya in uu gool dhaliyo kulankiisii 3-aad oo xiriir ah premier League markii ugu horaysay xilli ciyaareedkan.

10 gool oo ka mid ah 13-kii gool ee uu dhaliyay weeraryahanka Olivier Giroud ayuu dhaliyay marka uu kaydka ka soo koco.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here