Hordhac: Blackpool Vs Arsenal: Gunners Oo Wareega 3-aad Ee FA Cup-ka Lagu Reebay Hal Mar 22-Kii Sano Ee Ugu Dambaysay

Kooxda Arsenal ayaa marti u noqon doonta kooxda Blackpool kulan ka tirsan wareega 3-aad ee tartanka FA Cup-ka kana dhici doona garoonka Bloomfield Road.

Arsenal oo wareegan ku hadhay xilli ciyaareedkii hore ayaa doonaysa in ay haatan hubiso in ay iska xaadiriyaan wareega xiga.

Dhanka kale Blackpool ayaa Gunners u raadin doonta mucjisada yar-yarka ee tartanka FA Cup-ka si ay Gunners uga reebto tartanka.

Kulanka: Blackpool Vs Arsenal

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 8:30 Fiidnimo

Garoonka: Bloomfield Road

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii 3-aad ee ay wada ciyaaraan kooxaha Blackpool iyo Arsenal, Blackpool ayaa reebtay Arsenal xilli ciyaareedyadii 1952/1953 & 1969-1970 halka ay Arsenal badisay kulankii ugu dambeeyay ee December 1999.

Arsenal ayaan laga badinin sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee ay ka horyimaadeen Blackpool tartamada oo dhan, iyaga oo si xiriir ah uga badiyay 5-tii kulan ee ugu dambaysay iyada oo uu ku jiro tartanka Caraboa cup-ka bilowgii xilli ciyaareedkan.

Blackpool ayaan wax guul ah ka gaadhin 14-kii kulan ee ugu dambeeyay ee FA Cup-ka ay ka hor tagtay kooxaha ka ciyaara premier League tan ilaa markii ay ka badiyeen Burnley sanadkii 1976.

Arsenal ayaa wareega 3-aad ee FA Cup-ka lagu reebay xilli ciyaareedkii hore markii ay guuldaro kala kulmeen Nottingham Forest waana markii ugu horaysay ee ay ku hadhaan wareegan tan ilaa 1995/1996.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here