HORDHAC : BATE Borisov vs Arsenal ? xogata kulanka oo dhameestiran…

0

Waxaa caawa la daah furi doonaa tartanka xiisaha badan ee Europe League wereegiisa 32-da koox oo ah mid bug bax ah waxa uu yeelanaya labo waji oo kaliya .

Kooxda Arsenal ayaa u safartay garoonka kooxda BATE Borisov si ay ula ciyaaraan lugta koowaad ee wareega 32-da koox oo ah mid aad u xiiso badan .

Maxaa ka cusub labada koox :

Aleksandr Hleb ayaa diyaar u ah in uu ka hor imaado kooxdiisii hore ee Arsenal kulanka caawa balse nasiib daro waxa uu seegi karaa kulanka lugta labaad oo ka qabsoomaya garoonka Emirates hadii uu qaato caalamad jaale .

Nikolai Signevich ayaa laga saaray ciyaarta kulankii ugu dambeyey ee uu u ciyaaray kooxdiisa BATE Borisov tartanka Europa League ,hase ahaatee waxa uu ku biiray koox ka dhisan Hungarian oo lagu magacaabo Ferencváros.

Bojan Dubajic, Nemanja Milic iyo Dmitri Bessmertny ayaa ah dhamaantood saxiixyo cusub oo kooxda ku soo biiray suuqii January waxaana lagu soo daray liiska ciyaartoyda kooxda ugu qeyb galeysa tartanka Europa League waregiisa bug baxa.

Saxiixa dhawaan galka ah ee Denis Suarez ayaa ka qeyb noqday ciyaartoyda naadiga Arsenal ku matali doona wareega bug baxa waxa uuna kooxda ku joogaa qaab amaah ah, bishii hore ayuuna ka soo dhaqaaqay kooxda Barcelona .

Mesut Ozil iyo Pierre-Emerick Aubameyang oo qabay dhaawacyo fudu ayaa seegay kulan ciyareedkii ka tirsana Premier League oo ay guusha ka gaareen kooxda Huddersfield 2-1 , waxaa la hubin doonaa in ayaa diyaar u noqon karaan kulankan iyo in kale .

Sokratis, Danny Welbeck, Hector Bellerin, Rob Holding iyo Granit Xhaka ayaa dhamaantood lagu wadaa in ay segaan ciyaarta halka Aaron Ramsey shagi uu ku jiro bad qabkiisa.

Kulanka : BATE Borisov vs Arsenal (Europa League )

Goobta :Borisov-Arena

Goorta : 8:55 oo habeenimo

Garsoorka :Srdjan Jovanović (Serbia)

Fiiro Gaar : daqiiqad aamusnana oo baroor diiq ah ayaa loo sameen doonaa dhamaan kulamada asbuuca ee UEFA Europe League , xidigii hore ee kooxda Nantes ee Emiliano Sala, kaas oo ku geeriyooday shil diyaarad 21 January.

Xaqiiqooyinka ciyaarta :

-Arsenal ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay shantii kulan ee ugu dambeyey ee ay ka ciyaarto tartanka (UEFA Europa League). Sidoo kale shan kamida lixdii kula ee ugu dambeyey ayey guul gaartay.

-Kooxda Arsenal marna ma badin labo kulan oo xiriir ah kulamda banaanka ay ku ciyaareyso dhamaan tartamada tan iyo bishii November.

-Arsenal ayaa qeyb ka aha kooxo 7-ah oo aan marna laga badin wareega guruubyada kooxahaas ayaana kala ah Salzburg, Dinamo Zagreb, Betis, Villarreal, Eintracht Frankfurt iyo Chelsea.

-Waa sanadkii labaad oo xiriir ah oo ay wada kulmayaan, snadkii hore ee waxa ay kuwada kulmeen wareega guruubyada isku dar 10-2 ayaa lowga adkaaday labdii kulan kooxda BATE labada gool ee qurana waxaa u dhaliyey Marko Ivanić.

– Borisov ayaa guul la’aan ah shan kulan oo ay garoonkeeda ku ciyaartay kulamada Europe waliba ay xusid mudantahay in kooxda Vidi 2-0 ugu adkaatay kulamdii shanaad ee wareega guruubyada . Rikoorka ay ka heysato kulamada bug baxa ee ay garoonkeeda ku ciyaartay waa 6-badis 5-bareejo iyo 7-qasaaro .

Eeg shaxda macquulka :

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here