Hordhac: Barcelona Vs Valencia: Blaugrana Oo Awood Badan Kulamada Taariikhiga Ah Ee Labada Kooxood

Kooxda Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Valencia kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkiisii 22-aad kulan ka dhici doona garoonka Camp Nou.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyada oo doonaysa in ay sii wado guulaha xiriirka ah siina xejisato dhibcaha 5-ta ah ee ay ka horayso kooxda ku xigta.

Dhanka kale kooxda Valencia ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira kaalinta 7-aad ee kala saraynta horyaalka sidoo kale 7 dhibcood ka helay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay La Liga.

Kulanka: Barcelona Vs Valencia

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 8:30 Fiidnimo

Garoonka: Camp Nou

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Barcelona ayaan wax guuldaro ah la kulmin 7-dii kulan ee ugu dambaysay ee ay la ciyaartay kooxda Valencia horyaalka La Liga.

Valencia ayaa bar-baro 1/1 ah ku qabatay Barcelona markii ay kulmeen xilli ciyaareedkan bishii October ee sanadkii hore horyaalka La Liga.

Si kasta ha ahaatee Barcelona ayaa guulo badan taariikhda labada kooxood iyada oo ay arinta xiisaha leh tahay in 4 ka mid ah 5-tii kulan ee labada kooxood la kala dhaliyay 3 iyo wax ka yar.

Shaxda Macquulka ah ee Labada Kooxood:

Barcelona: Ter Stegen; Semedo, Pique, Lenglet, Alba; Vidal, Arthur, Rakitic; Messi, Suarez, Coutinho

Valencia: Neto; Piccini, Paulista, Garay, Gaya; Soler, Parejo, Coquelin, Cheryshev; Moreno, Mina

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here