Hordhac: Barcelona Vs Sevilla: Sevilla Oo Aan Barcelona Kaga Badin Camp Nou Muddo 9 Sano Ah.

Kooxda Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Sevilla kulan ka tirsan lugtii 2-aad ee tartanka Copa Del Rey-ga kulan ka dhici doona garoonka Camp Nou.

Kooxda Sevilla ayaa kulanka soo gali doonta iyada oo guul 2/0 ah ka soo gaadhay kooxda Barcelona kulankii lugtii hore ee tartanka.

Laakiin Sevilla ayaa Camp Nou Imanaysa iyada oo aan wax guul ah ka gaadhin tan ilaa sanadkii 2010 tartamada oo dhan.

Kulanka: Barcelona Vs Sevilla

Tartanka: Copa Del Rey

Wakhtiga: 11:30 Habeenimo

Garoonka: Camp Nou

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Sevilla ayaa si raaxo leh u garaacday Barcelona kulankii tartanka ee todobaakii hore laakiin Kooxda Barcelona ayaa ka awood badan Sevilla kulamadii ugu dambeeyay.

Barcelona ayaan wax guuldaro ah la kulmin 11 kulan oo xiriir ah ka hor kulankii Sevilla ee todobaadkii hore iyada oo badisay 9 kulan 2 kalena bar-baro gashay.

Kooxda Sevilla ayaan Barcelona kaga badin garoonka Camp Nou tan ilaa markii ay 2/1 uga badisay 9 sano ka hor.

Shaxda Macquulka ah ee Kulanka:

Barcelona: Cillessen; Semedo, Pique, Lenglet, Alba; Roberto, Arthur, Vidal; Messi, Boateng, Malcom

Sevilla : Soriano; Mercado, Gomez, Kjaer; Navas, Banega, Amadou, Sarabia, Escudero; Promes, Ben Yedder

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here