HORDHAC : Barcelona vs Real Valladolid ? Xogta kulanka oo dhameestiran ….

Kooxda Barcelona ayaa garoonkeeda ku soo dhaweeneysa dhigeeda kooxda Real Valladolid kulan ka tirsan horyaalka La Liga ee Dalka spain .

Barca oo aan wax guul ah gaarin labadii kulan ee ugu dambeyey ee ay horyaalka ka ciyaartay ayaa rajeeneysa in ay dib ugu soo laabato wadada guusha .

Maxaa kaa cusub labada Koox :

Kooxda Barcelona ayaa safkeeda ku soo dhaweeneysa Jordi Alba kaas oo ganaax ku seegay kulankii ugu dambeyey ee ay horyaalka La Liga ay ka ciyaareen .

Samuel Umtiti ayaa dib ugu soo laabtay tawabarka kooxda asbuucan kaddib mudo uu dhaawac garoomada ugu maqbaa ,balse taam buuxa uma ahan in lagu soo diro safka koowaad .

Arturo Vidal ayaa ku soo bilaaban kara ka ciyaarista qadbada dhexe ee garoonka waxa uuna dagaal la gali doonaa Carles Alena oo dhexda kaga ciyaara Real Valladolid.

Oscar Plano ayaa ka ganaaxan kooxda martida ah walow Fernando Calero uu dhankiisa ka soo laabtay ganaax uu kooxdiisa ugu maqnaa .

Pablo Hervias ayaa seegaya ciyaarat waxa uuna qabaa dhaawac jilibka ah halka xidigaha kala ah Toni Villa iyo Keko ay rajeenayaan in ay ku soo bilowdaan kulanka .

Ogeysiiska kulanka :

Kulanka : Barcelona vs Real Valladolid (La Liga )

Goobta : Camp Nou

Goorta : 10 : 45 oo habeenimo

Garsoorka :Juan Martinez Munuera.

Xaqiiqooyinka ciyaarta :

– Barcelona ayaa badisay 9-kamida 10 -kii kulan ee ugu dambeyey ee ay wajahday kooxda Real Valladolid markii ugu dambeysay ee Barca guul daro ay kala kulanto Valladolid waxa ay aheyd bishii March 2014 ciyaar ku soo dhamaatay 1-0 oo ka dhacday garoonka Jose Zorilla.

– Real Valladolid ayaa badisay oo kaliya labo kulan 42 -dii kulan ee ugu dambeyey ee ay booqato garoonka Camp Nou ( 6-barejo iyo 34-kualn oo qasaaro ) markii ugu dambeysay ee ay Camp Nou ay ku adkaato waxa ay aheyd bishii November 1997 ciyaar ku idlaatay (2-1).

– Barcelona ayaa dhalineysay ugu yaraan gool 20-kii kulan ee ugu dambeyey ee ay ku ciyaarto garookooda ( 15-badis afar barejo iyo kulan qasaaro waxa ayna 2o-kaa kulan ay ku dhaliyeen 60-gool ) .

– Valladolid ayaan guul gaarin afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay banaanka ku soo ciyaartay ( labo bareejo iyo labo qasaaro ) kulamadaas guduhooda ayaa lowga dhaliyey 8-gool halka dhankooda ay la imaadeen 2-gool oo qura.

– Barcelona ayaa wada badisay 37-kamida 38-dii kulan ee ugu dambeeyey ee ay ku ciyaartay garoonkeeda kulamda Horyaalka La Liga .

Eeg shaxda macquulka ah:

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here