Hordhac: Barcelona Vs Real Sociedad: Barca Oo Awood Badan Kulamadii Ugu Dambeeyay

0

Kooxda Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Real Sociedad kulan ka tirsan horyaalka La Liga kulan ka dhici doona garoonak Camp Nou kana tirsan todobaadkii 33-aad ee horyaalka.

Barcelona ayaa isha ku haysa in ay gaadho guul ku dhawaysa ku guulaysiga horyaalka La Liga iyo waliba in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib bar-barihii ay gashay todobaadkii hore.

Kooxda Real Sociedad oo dhankeeda ku jirta kaalinta 10-aad ayaa doonaysa in ay gaadho guul ay kor ugu fuusho kaalmaha ka sareeya ee horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Barcelona Vs Real Sociedad

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 9:45 Habeenimo

Garoonka: Camp Nou

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona ayaa guul 2/1 ah ka gaadhay Real Sociedad Markii ay kula ciyaareen garoonkeeda horyaalka La Liga qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan.

Barca ayaa guul 1/0 ah ka gaadhay Real Sociedad xilli ciyaareedkii hore Horyaalka La Liga kulankii ka dhacay Camp Nou iyada oo uu Coutinho u dhaliyay goolka kaliya.

Hogaamiyayaasha Horyaalka La Liga ayaa garaacay Real Sociedad 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay La Liga ku kulmeen Labada Kooxood.

Barcelona ayaa ku badisay 1-0, 3-2, 4-0 & 2-0 Afartii kulan ee La Liga ee ugu dambeeyay ee ka dhacay garoonka Camp Nou.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here