Hordhac: Barcelona Vs Real Madrid: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Lafa Jabiska Ah Ee Copa Del Rey-ga.

Indhaha taageerayaasha Kubada cagta ayaa u jeedsan Doona Garoonka Camp Nou kaas oo marti gali doona kulan weyn oo dhex mari doona kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kana tirsan lugta 1-aad ee Semi-finalka Copa Del Rey-ga.

Barcelona ayaa doonaysa in ay ka faa,iidaysato garoonkeeda guulna ka gaadho kooxda Real Madrid hal lugna la sii gasho finlaka Tartanka.

Dhanka kale kooxda Real Madrid ayaa kulanka u soo galaysa in ay natiijo fiican kala baxdo Camp Nou si ay garoonkeeda Santiago Bernabue ula tagto Barcelona.

Kulanka: Barcelona Vs Real Madrid

Tartanka: Copa Del Rey

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Camp Nou.

Kulankan ayaa noqon doona midii 34-aad ee dhex mara kooxaha Real Madrid iyo Barcelona tartanka Copa Del Rey-ga, Barcelona ayaa badisay 14 kulan halka ay Real Madrid badisay 12 kulan iyaga oo bar-baro ku kala baxay 7 kulan.

Barcelona ayaa dhalisay 17 gool tartanka Copa Del Rey-ga xilli ciyaareedkan kaliya Real Madrid oo dhalisay 20 gool ayaa ka badan kooxaha tartanka ka qayb qaatay.

Real Madrid ayaa gaadhay Semi-finalka Copa Del Rey-ga markii ugu horaysay tan ilaa 2013/2014 markaas oo ay gaadhay Finalka tartanka kana qaaday Barcelona.

Barcelona ayaan ka badin Real Madrid 4-tii kulan ee ugu dambaysay tartanka Copa Del Rey-ga iyada oo 2 kulan guuldaro kala kulantay 2 kalena bar-baro la gashay iyada oo guushii ugu dambaysay ee ay Barcelona tartanka ka gaadho Real Madrid ahaa bishii January 2012 markaas oo ay 2/1 uga badisay.

Real Madrid ayaa garaacday Barcelona 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee tartanka Copa Del Rey-ga laakiin Los Blancos ayaan 3 kulan oo xiriir ah guul ka gaadhin Barcelona tan ilaa 1920-kii.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here