Hordhac: Barcelona Vs Rayo Vallecano: Barcelona Oo Doonaysa In Ay Guul Isugu Diyaariso Kulankooda Champions League.

Kooxda Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Rayo Vallecano kulan ka tirsan todobaadkii 27-aad ee horyaalka La Liga kulan ka dhici doona Camp Nou.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo guul ka soo gaadhay kooxda Real Madrid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Saaxiibada Leo Messi ayaa 7 dhibcood ku haya hogaanka horyaalka La Liga iyaga oo ka horeeya kooxda kaalinta 2-aad ee Atletico Madrid.

Dhanka kale kooxda Rayo Vallecano ayaa ku jirta kaalinta 19-aad iyada oo kaliya 23 dhibcood ka heshay 26-kii kulan ee ay ciyaartay.

Tartanka: Barcelona Vs Rayo Vallecano

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 8:30 Habeenimo

Garoonka: Camp Nou

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Barcelona aya rikoodh cajiib ah ku leh kulamada ay horyaalka La Liga la ciyaarto kooxda Rayo Vallecano.

Barcelona ayaa 11 kulan ka badisay kualamdii hore iyada oo uu ka mid yahay kulankii ay 5/2 uga badisay ee ka dhacah Camp Nou October 2015.

Labada Kooxood ayaa aad isugu dhawaa kulankii lugtii hore ee horyaalka La Liga iyada oo ay daqiiqadihii Dambe Barcelona guul ku hogaamiyeen xiddigaha Dembele & Luis Suarez.

Shaxda Macquulka Ah Ee Kulanka:

Barcelona: Ter Stegen; Roberto, Pique, Umtiti, Alba; Arthur, Busquets, Rakitic; Dembele, L Suarez, Messi

Rayo Vallecano: Dimitrievski; Amat, Galvez, Velazquez; Advincula, M Suarez, Comesana, Moreno; Embarba, De Tomas, Trejo

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here