Hordhac: Barcelona Vs Man United: Red Devils Oo Aan Wali Guul Ku Dha-Dhim Garoonka Camp Nou Kulamada Ay Ka Hor Tagto Barca

Kulan xiiso leh oo dhex mari doona kooxaha Barcelona iyo Man United ayaa ka dhici doona garoonka Camp Nou kana tirsan lugtii 2-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyada oo hal lug kula jirta wareega Semi-finalka tartanka champions League laakiin Man United ayaan ka quusan u soo bixista wareega xiga maadama ay Man United ku soo laaban karto ciyaarta.

Man United oo soo laabasho la yaab leh samaysay kulankii PSG ayaa markan doonaysa in ay Barcelona kaga yaabsato garoonkeeda iskana xaadiriso Semi-finalka tartanka champions league.

Kulanka: Barcelona Vs Man United

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00 Habeenimo

Garoonka: Camp Nou

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona ayaan waligeed guuldaro kala kulmin Man United iyada oo joogta Camp Nou tartamada yurub 2 bar-baro iyo 2 guulood ayay ka gaadhay xilli uu kulankii ugu dambeeyay ku dhamaaday 0/0 kaas oo dhaca April 2008.

70% jeer oo hore kooxda Lugta 1-aad ee ay martida tahay champions League ku badisa 1/0 kaliya 4 ka mid ah ayaa laga reebay tartanka taas oo u dhiganta 6% si kasta ha ahaatee laba ka mid ah ayaa dhacay xilli ciyaareedkan iyada oo ay waliba Man United mid tahay.

Lugtii hore ee kulankan Man United ayaa ku fashilantay in ay xitaa hal laad ku laagto goolka Barcelona markii ugu horaysay tartanka champions League tan ilaa March 2005.

Barcelona ayaa wareega xiga u gudubtay 39 ka mid ah 41-kii kulan ee ay lugta 1-aad ee ay martida tahay guusha soo gaadhay marka laga reebo labada kulan ay la ciyaartay FC Koln oo dhacay 1980/1981 iyo Metz oo ay la ciyaartay 1984/1985.

Man United ayaa u gudubtay wareega xiga mid ka mid ah 4-tii kulan ee hore ee tartamada yurub ee ay guuldaro la kulantay kulan ka dhacay garoonkeeda inkasta oo uu kulankaas ahaa midkii PSG ee wareegii 16-ka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here