Hordhac: Barcelona Vs Eibar: Blaugrana Oo Ka Awood Badan Eibar Kulamada Tooska Ah

0

Kooxda Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Eibar kulan ka tirsan todobaadkii 19-aad ee horyaalka La Liga kulan ka dhici doona Garoonka Camp Nou.

Barcelona ayaa isha ku haysa in ay sii haysato dhibcaha ay ka horayso kooxaha ugu soo dhaw guulna ku xidhato qaybda hore ee horyaalka.

Dhanka kale kooxda Eibar oo 3 dhibcood oo kaliya u jirta kaalmaha looga hadho horyaalka La Liga ayaa doonaysa in ay u dagaalanto ka fogaanta booskaas.

Kulanka: Barcelona Vs Eibar

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 8:30 Fiidnimo

Garoonka: Camp Nou.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Eibar ayaan Barcelona ku ahayn koox adag iyada oo Blaugrana badisay dhamaan 8-dii kulan ee ay horyaalka La Liga kaga hor tgtay Eibar.

Barcelona ayaa dhalisay 28 gool iyada oo sidoo kale kaliya laga dhaliyay 4 gool kulamadii ay la ciyaartay kooxda Eibar.

Blaugrana ayaa Afar gool iyo wax ka badan ka dhalisay kooxda Eibar 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Eibar.

Sidoo kale Barcelona ayaa dhalisay 10 gool labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Eibar kula ciyaartay garoonkeeda Camp Nou.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here