Hordhac: Barcelona Vs Atletico Madrid: Kulanka Oo Go,aamin Kara Horyaalka La Liga Ee Xilli Ciyaareedkan

Kooxda Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Atletico Madrid kulan muhiim ah oo si weyn u go,aamin doona horyaalka La Liga kulankaas ayaa ka dhici doona garoonka Camp Nou.

Blaugrana ayaa kulanka soo galaysa iyaga bar-baro 4/4 ah la galay kooxda Villarreal halka ay Atletico Madrid 3 dhibcood ka qaadatay kooxda Girona kulan ayna Soo bandhigin qaab fiican.

Barcelona oo haatan 8 dhibcood ka horaysa kooxda Atletico Madrid oo kaalinta 2-aad ku jirta ayaa guul ay gaadho ka caawinaysaa in ay hal gacan ku sii qabsato premier League.

Halka guul ay Atletico Madrid gaadho dib u furi doonto tartanka loogu jiro horyaalka kulamada ugu dambeeya xilli ciyaareedkan maadama ay dhibcaha ay ka dambayso Barcelona noqon doonaan 5 dhibcood.

Kulanka: Barcelona Vs Atletico Madrid

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 9:45

Garoonka: Camp Nou

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa kulmi doona markii 209-aad ee taariikhdooda iyada oo kooxda Barcelona haysato rikoodhka guulaha ugu badan iyada oo badisay 93 kulan 50 kale bar-baro galay halka 65-ka kale Atletico Madrid badisay.

Kulankii ugu horeeyay ee labadan kooxood ee xilli ciyaareedna ee horyaalka La Liga ayaa ku dhamaaday bar-baro 1/1 ah iyada oo uu Diego Costa dhaliyay goolka halka uu Dembele Barcelona u dhaliyay wakhti dambe.

Dhanka kulamadii ugu dambeeyay kooxda Barcelona ayaa maamulaysay iyada oo badisay 6 kulan sidoo kale bar-baro gashay 4 kale 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee dhex maray labada kooxood.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here