Hordhac: Atletico Madrid Vs Real Madrid: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Derby Madrid

Kooxda Real Madrid ayaa la ciyaari doonta kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsan toodbaadkii 23-aad ee horyaalka La Liga.

Kooxaha Jaarka ah ayaa ku dagaalami doona kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka La Liga iyada oo Atletico Madrid haatan ku jirto kaalinta 2-aad.

Los Blancos ayaa kulanka soo galay iyaga oo doonaya in ay sii wadaan qaab ciyaareedka cajiibka ah ee ay ku jireen kulamadii ugu dambeeyay.

Dhanka kale Atletico Madrid aya kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib guuldaradii todobaadkii hore.

Kulanka: Atletico Madrid Vs Real Madrid

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 6:15 Galabnimo

Garoonka: Wanda Metropolitano

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Mid kasta oo ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga ee dhex maray kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa ku dhamaaday bar-baro gool la,aan ah.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay Atletico Madrid garoonkeeda kaga badisay kooxda Real Madrid ayaa yimid February 2015 halka ay kulankii ugu dambeeyay ee ay Real Madrid Dhigeeda Atletico Madrid ku garaacdo garoonkeeda uu ahaa November 2016.

Kulankan ayaa noqon doona midii 162-aad ee ay labada kooxood isaga hor yimaadaan tartamada oo dhan Madrid ayaa badisay 86 kulan Atletico ayaa badisay 39 kulan waxana ay bar-baro ku kala bexeen 38 Kulan.

Shaxda Suurtagalka ah ee Labada Kooxood:

Atletico Madrid: Oblak; Arias, Gimenez, Godin, Lucas Hernandez; Koke, Thomas, Rodri, Saul; Griezmann, Morata

Real Madrid: Courtois; Carvajal, Varane, Ramos, Reguilon; Casemiro, Modric, Kroos; Bale, Benzema, Lucas

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here