Hordhac: Atletic Bilbao Vs Barcelona: Blaugrana Oo Isha Ku Haysa Ku Soo Laabashada Wadada Guulaha

Kooxda Barcelona ayaa u safri doonta Atletic Bilba kulan ka tirsan horyaalka La Liga toodbaadkiisii 23-aad kulan ka dhici doona San Mames.

Barcelona ayaa kulanka soo gali doonta iyada oo isha ku haysa in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib markii ay bar-baro gashay labadii kulan ee ugu dambeeyay.

Kooxda Ernesto Valverde ayaa bar-baro la gashay Valencia kulan horyaalka ahaa bilowgii todobaadka ka hor inta ayna bar-baro la galin Real Madrid Copa del Rey-ga.

Dhanka kale Bilbao ayaa doonaysa in ay mar kale qabato kooxda Barcelona 3-da dhibcoodna ku reebato garoonkeeda.

Kulanka: Atletic Bilbao Vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 10:45 Habeenimo

Garoonka: San Mames

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankii labadan kooxood ku dhex maray garoonka Camp Nou horyaalka qaybtiisii hore ayay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah.

Markii ugu dambaysay ee ay Barcelona guul kaga gaadho Bilbao garoonkeeda San Mames horyaalka ayaa ahayd October 2017 markaas oo ay uga badiyeen 2/0.

Dhanka kale Bilbao ayaan Barcelona kaga badin garoonkeeda San Mames tan ilaa December 2013.

Kulamada waji-ka wajiga ah kooxda Barcelona ayaa awood badan iyada oo kaliya guuldaro la kulantay hal kulan 25-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka.

Shaxda Macquulka ah ee labada Kooxood:

Athletic Bilbao: Herrerin; Capa, Alvarez, Inigo, Yuri; R Garcia, Bernat, D Garcia; Cordoba, Williams, Muniain

Barcelona: Ter Stegen; Roberto, Pique, Lenglet, Semedo; Busquets, Rakitic, Vidal; Dembele, L Suarez, Messi

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here