Hordhac: Arsenal Vs Southampton: Gunners Oo u Dagaalamaysa Kaalinta 4-aad

Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Southampton kulan ka dhici doona garoonka Emirates kana tirsan todobaadkii 27-aad ee horyaalka premier League.

Arsenal ayaa raadinaysa guusheedii 2-aad oo xiriir ah premier League iyo waliba in ay cadaadiska ku sii hayso kooxda Man United ee kaalinta 4-aad ku jirta.

Dhanka kale kooxda Southampton ayaa rajaynaysa in ay ka soo laabato guuldaradii ka soo gaadhay Cardiff una dagaalanto ka bixista boosaska looga hadho premier League.

Kulanka: Arsenal Vs Southampton

Tartanka: Premier Leageu

Wakhtiga: 5:05 Galabnimo

Garoonka: Emirates Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Southampton 23 kulan oo ay kula ciyaartay garoonka Emirates Stadium iyada oo guuldaradii ugu dambaysay kala kulantay November 1987.

Kadib markii ay guul ka gaadhay wareegii hore ee horyaalka kooxda Southampton ayaa raadinaysa in ay markii ugu horaysay Arsenal ka gaadho laba guulood premier League tan ilaa 1987/1988 markaas oo ay laba guulood ka gaadhay horyaalka.

Arsenal ayaan wax guuldaro ah kala kulmin 12 kulan oo ay Emirates Stadium kula ciyaartay kooxaha maalintaas ku bilaabanaya kaalmaha ugu hooseeya premier League waliba 6 kulan xiriir u badiyay iyaga oo badiyay 30-kii kulan ee ugu dambeeyay tan ilaa 2008 markaas oo ay bar-baro 4/4 ah la galeen Tottenham.

Weeraryahanka Southampton ee Charlie Austin ayaa gool ka dhaliyay dhamaan 5-tii kulan ee uu ka hor tagay Arsenal premier League kaliya Raheem Sterling oo 6 gool ka dhaliyay Bournemouth ayaa kaga fiican rikoodhka uu xiddig ku leeyahay koox kaliya.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here