HORDHAC : Arsenal vs Rennes….(Arsenal maka soo kaban kartaa guul darada lugtii hore???)

0

Kooxda Arsenal oo guul daro 3-1 kala soo kulantay Rennes kulankii lugtii koowaad ee wareega 16-ka ayey markan garoonkeeda ku soo dhaweneysa kooxda reer farnce ee Rennes kulanka lugta labaad  .

Arsenal aya si niyadsami ah ku soo gali doonta garoonka madaama ay guul muhiim ah ka soo gareen kooxda Manchester United iyada oo xusid mudantahay in Arsenal ay joogto garoonkeeda .

Rennes oo aan aheyn koox sahlan marka la fiiriyo qaab ciyareedkooda ayaa dhankooda ku rajo weyn in kulankan la yimadaan waji kale oo cusub madama kulankii lugtii hore ay ku soo adkaadeen 3-1 .

Maxaa ka cusub labada koox ka hor kualnka :

Alexandre Lacazette’  ayaa laga yareeyey ganaaxii saarnaa waxa uuna diyaar u yahay in uu safto kulanka  caawa ay la ciyaarayaan kooxda  Rennes wallow uu seegay kulankii lugtii hore , geesta kale  Sokratis ayaa ka ganaaxan kooxda garoonkeeda ku ciyaareysa ee Arsenal kaddib markii uu qaatay calaamada casaanka ah kulankii lugtii koowaad .

Lucas Torreira ayaa u heysata fursad weyn in uu safto kulankan madaamama uusan ciyaari kulankii Premier League waxa kale uu seegi doonaa labada kulan ee soo socoto ee horyaalka madam uu qaatay casaan toos ah kulankii Tottenham .

Henrikh Mkhitaryan ayaa seegay kulan ciyaareedkii ay guusha  2-0 ka gareen kooxda  Manchester United bilowgii asbuucan sidoo kale waxa uu seegayaa kulanka caawa .

Mesut Özil ayaa si layaab leh ugu soo bilowday kuln ciyareedkii Manchester United wallow qeebtii dambe ee ciyaarta badal lagu saaray , waxaana suura gal ah in kulankan uusan ku soo bilaaban .

Granit Xhaka ayaa seegi doona kulanka soo socda ee tartanka Europa League hadii uu qaatao calaamad jaale ah kulanka caawa oo khamiis ah .

Hamari Traore ayaa dib ugu soo laabtay ganaax waxa uuna booskiisa dambeed midi gee daafac kala bixi doonaa  Mehdi Zeffane.

Ciyaartoyda kala ah  Mehd Zeffane iyo  Da Silva oo ka ciyaara daafca dhexe ayaa seegi doona kulanka soo socda ee tartanka Europa League hadii ay  qaataan calaamad jaale ah kulanka caawa .

James Lea Siliki ayaa dib uga soo laabtay dhaawac balse diyaar u ma ahan in uu kulanka ka dhici doono  Emirates ku soo bilowdo . geesta kale Benjamin Andre ayaa la siiyey nasiino waxa uuna seegay kulan ciyaareedkii  aya guusha ka gaareen kooxda Cean ciyaar ku dhamaatay 3-1.

Ogeysiiska ciyaarta :

Kulanka : Arsenal VS Rennes (Europa League)

Goobta : Emirates Stadium

Goorta : 11:00 oo habeenimo

Garsoorka : Andris Treimanis (Latvia)

Xaqiiqooyinka ciyaarta :

Rennes ayaa ugu yaraan soo dhalineysay sedex gool 3-dii kulan ee ugu dambeyey oo ay ka ciyaarto tartanka  (UEFA Europa League).

Rennes ayaa marna laga badin shantii kulan  ee ugu dambeyey oo ay ka ciyaarto tartanka  (UEFA Europa League).

Marka laga saaro goolasha ay iska dhaliyeen, kooxda Arsenal waa kooxda xili ciyareedka ku lug yeeshatay goolal badan tartanka Europe League waxa ayna dhaliyeen (11-gool)

Tan iyo xili ciyaareedkii 2009-2010 kaliya hal koox ayaa u gudubatay wareega xiga iyaga oo markaas 3-1 oo lowgu soo adkaaday meek ka baxsan garoonkeeda kulama bug baxa , kooxda sidaas sameesay waa kooxda reer England ee Fullham oo 3-1 lowga soo adkaaday kulankii lugtii koowaad oo ka dhacay garoonka kooxda Juventus balse markii la yimid garoonkeeda waxa ay ku badiyeen (4-1).

weerar yahanka kooxda Rennes ee Ismaila sarr ayaa ku lug yeeshay xili ciyareedkan lix gool waan in ka badan xidig kasta oo ka tirrsan kooxdiisa ( 4-gool iyo 2-caawin )

Eeg safafka macquulka ah ka hor ciyaarta :

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here