Kooxaha Ugu Guulaysiga badan tartanka FA Cup-ka ee Arsenal iyo Man United ayaa isaga hor iman doona kulan xiiso leh oo ka dhici doona garoonak Emirates.
Labada Kooxood ku jira tartanka kalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier League ayaa kulanka u soo gali doona sidii ay isaga xaadirin lahaayeen wareega 3-aad ee FA Cup-ka.
Kooxaha United iyo Arsenal ayaa la filayaa in ay is badal ku sameeyaan shaxdooda xiddigaha muhiim-ka ahna u nasiyaan kulamada Premier League.
Kulanka Arsenal Vs Man United
Tartanka: FA Cup
Wakhtiga: 10:45 Habeenimo
Garoonka: Emirates Stadium
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Kooxda Arsenal ayaa kaliya ka badisay 2-dii kulan ee Kaliya ee FA Cup-ka ay garoonkeeda Emriates kula ciyaareen Man United.
Si kasta ha ahaatee Gunners ayaa kaliya badisay hal kulan oo ka mid ah 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay United ka hor tageen tartamada oo dhan.
Waxa la bixiyay kaadhka cas 5 ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee FA Cup-ka dhex maray kooxaha Arsenal iyo Man United,
Arsenal ayaa kaliya 2 kulan oo kaliya looga badiyay garoonkeeda Emirates tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan halka ay bar-baro galeen 3 guulna gaadheen 13 kale.