Hordhac: Arsenal Vs Fulham: Gunners Oo Aan 22 Kulan Guuldaro Kala Kulmin Fulham Marka Ay Joogto Emirates

Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Fulham kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkii 20-aad kulan ka dhici doona garoonka Emirates Stadium.

Arsenal ayaa rajaynaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib ceebtii ka soo gaadhay Anfield Sabtidii si la mid ah in ay u dagaalanto kaalmaha 4-aad.

Dhanka kale kooxda Fulham ayaa u dagaalamaysa sidii ay u sii joogi lahaayeen horyaalka ugana bixi lahaayeen kaalmaha ugu hooseeya horyaalka premier Leageu.

Kulanka: Arsenal Vs Fulham

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00 Galabnimo

Garoonka: Emirates Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Tababare Claudio Ranieri ayaa raadinaya guushii ugu horaysay ee uu ka gaadho Arsenal horyaalka premier league kadib 11 jeer oo uu isku dayay.

Arsenal ayaan wax guuldaro ah kala kulmin 22 kulan oo ay garoonkeeda premier League kula ciyaartay kooxaha u soo dalacay horyaalka iyada oo ay guuldaradii ugu dambaysay ka soo gaadhay Newcastle United bishii November 2010.

Fulham ayaa raadinaysa guusheedii ugu horaysay ee ay Arsenal kaga gaadho garoonka Emirates kadib 28 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Arsenal ayaa badisay dhamaan 5-tii kulan ee ay premier League ku ciyaartay garoonkeeda sanadka cusub guuldaradii ugu dambaysa ayaa timid 1985 markaas oo ay guuldaro kala kulmeen Tottenham

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here