HORDHAC : Arsenal VS Crystal Palace? Wax kasto oo aad kaga baahantahay kulankan ka hor caawa

0

Kooxda Arsenal oo ka soo fara xalatay Kooxda Napoli ayaa markan waxa ay garoonkeeda ku marti qaadeysa kulan ka tirsan horyaalka Premier league dhigooda Kooxd Crystal Palace oo ah koox halisteedu badan tahay.

Arsenal ayaa waxa ay qeyb ka tahay kooxaha ku hardamaya in ay ku dhameestaan kaalmaha afarta sare ee loogu soo boxo tartanka Champions League.

Wararka labada Koox ka hor inta la gaarin waqtiga ciyaarta :

Tababaraha Arsenal Unai Emery ayaan hubin hadii ciyaaryahanka khadka dhexe ee milkiyadiisu ay la wareegtay Juventus ee Aaron Ramsey uu ciyaaray kulankiisii ugu danbeeyey ee kooxda ka dib markii uu dhaawac cajirka kasoo gaaray kulankii Khamiistii.

Granit Xhaka iyo Denis Suarez ayaa  la qiimeen doonaa xaaladooda caafimaa madaama ay qabaan  dhibaatooyin muruqa iyo gumaarka, halka daafaca lagu magacaabo Sokratis kulankan uu ganaax ku seegayo.

Dhinaca kale Kooxda Crystal Palace ayaa waxaa ka maqan Jeffrey Schlupp, kaasoo seegi doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan madaama uu la dhibaatoonayo dhaawac canqowga ah.

Daafacyada kala ah Mamadou Sakho iyo James Tomkins ayaa sidoo kale la heli karin kulankan sababo dhaawacyo kala duwan oo ay qabaan .

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka :  Arsenal VS Crystal Palace? ( Premier League)

Goobta : Emirates Stadium

Goorta : 6 : 00 oo Fiidnimo & maqribnimo.

Garsoorka : Jonathan Moss

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta ka hor inta aan la baasan ciyaarta :

Guuldaradii kaliya ee Arsenal kasoo gaartay 18 kulan oo ay garoonkeeda ku martigalisay Crystal Palace ayaa aheyd October 1994 balse waxa ay badiyeen 14-ka mid halka 3-kulana ay bar-baro ku hishiiyeen.

Ka dib markii ay 2-2 ku galeen garoonka Park Selhurst bishii October, Palace ayaa dooneysa inay ka fogaato guul daro soo gaarta kulankan si ay u xaqiijiyaan in marna xagaagan guul daro kala kulmin Arsenal, in ay sidaa sameeyaan waxaa ugu dambeysay 1979-80.

Arsenal ayaa badisay 30 ka mid ah 31- kii  kulan ee ugu danbeeyey ee ay garoonkooda kula ciyaaraan kooxaha banaanka ka ah lixda Koox  ee ugu sareeya horyaalka, halka kulanka kale ay bar-baro la galeen Kooxda Wolves bishii November.

Gunners ayaa badisay lix kulan oo xiriir ah oo ay gurigeeda kula ciyaartay kooxaha kala dhisan  London tartnka Premier league, waana rigoorkooda guuleed ee ugu waqtiga dheer tan iyo markii 11-kulan oo xiriir ah ay badiyeen intii u dhexeysay December 2001 iyo November 2003.

Palace ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 13 – kii kulan ee ugu danbeeeyey ee Premier League oo ay ciyaareen maalin Axad ah, iyag oo laga badiyay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeeyey.

Safafka macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here