Hordhac: Arsenal Vs Chelsea: Pierre-Emerick Aubameyang & Eden Hazard Oo Dhibcaha Ugu Badan U Shaqeeyay Labada Kooxood

Kulanka ugu xiisaha Badan todobaadkan premier League ayuu dhex mari doonaa kooxaha reer London ee Arsenal iyo Chelsea kulan ka tirsan todobaadkii 23-aad ee horyaalka.

Chelsea ayaa isha ku haysa in ay sii xoojisato booska 4-aad ee ay kaga jirto kala saraynta horyaalka iyada oo 6 dhibcood ka horaysa Arsenal.

Blues ayaa bartilmaameedsanaysa guushii 4-aad 5-tii kulan ee ugu dambaysay ee premier League xilli ciyaareedkan.

DHanka kale Kooxda Arsenal ee uu hogaamiyo Unai Emery ayaa bartilmaameedsnaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib guuldaradii west Ham.

Kulanka: Arsenal Vs Chelsea

Tartanka: premier league

Wakhtiga: 8:30 Fiidnimo

Garoonka: Emirates Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaa dhalisay 20 gool 7-dii kulan ee London Derbies ee premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo 2 jeer ka badan koox kasta oo London ah.

Xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang & Eden Hazard ayaa dhibcaha ugu badan u shaqeeyay Labada Kooxood premier league xilli ciyaareedkan 12 iyo 10 dhibcood ayay u shaqeeyeen.

Chelsea ayaa isha ku haysa in ay noqoto kooxdii 3-aad ee laba kulan oo xiriir ah 6 jeer ka gaadhay Arsenal iyada oo la bar-barayn doonta kooxaha Liverpool iyo Man United.

Olivier Giroud ayaa noqon kara xiddigii 2-aad ee gool u dhaliya ama ka dhaliya premier League kooxaha Arsenal iyo chelsea Kadib Cesc Fabregas.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here