Hordhac: Arsenal Vs Cardiff City: Guuners Oo Isha Ku Haysa Ku Soo Laabashada Wadada Guulaha

Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Cardiff City kulan ka tirsan todobaadkii 24-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Emirates Stadium.

Arsenal ayaaa kulanka soo galaysa iyada oo isha ku haysa in ay ka soo kabsato guuldaradii Niyad jabka lahayd ee bartamihii todobaadka ka soo gaadhay kooxda Man United kulan ka tirsanaa FA Cup-ka.

Kooxda Cardiff City ayaa dhankeeda isha ku haysa in ay gaadho guusheedii 2-aad 8-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka premier League.

Kulanka: Arsenal Vs Cardiff City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:45 Habeenimo

Garoonka: Emirates Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaa badisay dhammaan seddexdii kulan ee Premier League ee ay la ciyaareen Cardiff, iyagoo dhaliyay sideed gool, labana waa laga dhaliyay.

Lix ka mid ah 8-da Gool ee ay Arsenal ka dhalisay Cardiff Premier League waxa ay yimaadeen qaybta dambe ee ciyaarta iyada oo 5 ka mid ah dhasheen 10-ka daqiiqo ee ugu dambeeya.

Kooxda Cardiff City ayaa ah kooxda kaliya ee aan ilaa haatan xilli ciyaareedkan qaybta hore ee ciyaarta aan bixin iyada oo hogaanka u haysa kulanka.

Arsenal ayaan wax guuldaro ah kala kulmin 23-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League la ciyaareen kooxaha ku soo laabtay horyaalka iyada oo guuldaradii ugu dambaysay ka soo gaadhay Newcastle bishii November 2010.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here