Kooxda Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates Stadium ku marti galin doonta kooxda Burnley kulan ka tirsan todobaadkii 18-aad ee horyaalka Premier league.
Arsenal ayaa isha ku haysa in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib markii ay guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Southampton todobaadkii hore ee Premier Leageu.
Dhanka kale Burnley ayaa raadinaysa guusheedii ugu horaysay ee ay ka gaadho kooxda Arsenal kadib markii ay 11 jeer oo hore isku dayday kuna fashilantay arintaas.
Kulanka: Arsenal Vs Burnley
Tartanka: Premier Leageu
Wakhtiga: 3:30 Galabnimo
Garoonka: Emirates Stadium
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Gunners ayaan laga badinin 10kii kulan ee ugu danbeysay ee ay wajahday Burnley tartamada oo dhan (9 guulood 1 bar-baro), waxaana laga dhaliyay kaliya afar gool.
Arsenal ayaa laga badiyay labo ka mid ah 18 kulan oo Premier League ah oo ay garoonkeeda ku ciyaartay sanadka 2018 labada guuldaradaba waxa ay ka soo gaadhay Man City.
Pierre-Emerick Aubameyang ayaa si toos ah ugu lug lahaa 17 gool 16-kii kulan ee uu ku ciyaaray Garoonka kooxdiisa isaga oo dhaliyay 12 gool sidoo kale caawiye ka noqday shan kale iyada oo ay ku jiraan 2 caawin oo uu sameeyay kulankii Burnley ee xilli ciyaareedkii hore.
Johann Berg Gudmundsson ayaa ku lug lahaa 40% 15-kii gool ee ay Burnley ka dhalisay premier League xilli ciyaareedkan waxa uu dhaliyay 2 gool halka uu caawiye ka noqday 4 kale.